Wafdi ka socda maamulka Puntland oo todobaadkan gudihiisa booqan doona degmada cusub ee Saaxo

Garoowe (GT)-Sida uu ku soo waramayo wariyaha Gelinsooritmes ee Garoowe  waxaa todobaadkan gudihiisa degmada dhawaan lagu biiriyay Puntland ee Saaxo booqan doona wafdi isugu jira xubnaha golayaasha dawladda iyo waxgarad ka soo jeeda deegaankaasi.

Wafdigan u ambabixi doona degmada Saaxo oo aan illaa hadda si rasmiya loo carabaabin xubnaha ay ka koobnaan doonaan ayaa la sheegayaa inuu qayb ka noqon doono gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaaamac oo maamul ahaa ay hoos tagto degmadaasi.

Wafdigan ayaa sidoo kale waxaa la filayaa inuu ka mid noqon doono wasiiru dawlaha madaxtooyada iyo xiriirka gobolada mudane Bashiir C/raxmaan Gurxan oo isagu ka soo jeedo deegaankaasi.

Degmada Saaxo ayaa noqonaysa degmada lixaad ee gobolka Mudug waxaana ay xuduud la leedahay gobolka Galguduud iyo ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Dawladda Puntland ayaa u aragta degmada Saaxo inay wax badan oo dhaqaalaha uu ugu horeeyo inay ku soo kordhin doonto maamulka Puntland.

Warar hoose ayaa sheegaya in Puntland ay damacsan tahay inay ciidamo xoog leh gayso halkaasi si loo xoojiyo difaacca koonfureed ee maamulka Puntland.

Si kastaba degmada Saaxo ayaa laga dhar sugayaa waxa ay ay ku soo kordhiso Puntland, halka maamulkuna looga fadhiyo hormar iyo waxqabad dhab ah oo laga fuliyo deegaankaasi.

Gelinsoortimes

Garoowe

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More