Wafdi ka socda Guddiga Q.M uqaabilsan kahor taga Askaraynta Caruurta oo gaaray Kismaayo.

wafdi kasocda Qaramada Madoobe oo kismaayo tagay

Wafdi ay hoggaamineyso wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaallanka askareynta carruurta, Leila Zerrougui ayaa maanta gaaray degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Leila ayaa booqashadeeda waxaa ku wehliya ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Fatiha Serour, waxayna kulamo la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba.

Ujeeddada wafdiga ayaa lagu sheegay in ay la xiriito inaan la askareen carruurta iyo in dhaqan-celin loo sameeyo carruurta iska soo dhiibta kooxda Al-Shabaab.

Fatiha Serour oo kulanka kaddib warbaahinta la hadashay ayaa sheegatay in maamulka KMG ah ee Jubba ay isku afgarteen waxyaahihii ay ka wada hadleen, oo ka mid tahay sidii loo yareyn lahaa tacaddiga ka dhanka ah carruurta.

Wasiirka haweenka maamulka KMG ah ee Jubba Qamar Deeq Khaliif ayaa sheegtay inay wax badan ay ka qaban doonaan xad-gudubka ka dhanka ah carruurta, ayna ka feejignaan doonaan askareyntooda.

Qamar ayaa tilmaamtay inay wadaan qorshooyin lagu badbaadinayo carruurta ku dayacan degmada Kismaayo, si looga hor-tago inay ku biiraan kooxda Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More