Warar Sheegaya In Cabdi Waal Uu Gaaray Degmada Guriceel

Muqdisho (GT)-Warar soo baxay, ayaa sheegaya in Cabdi Nuure Siyaad oo loo yaqaan (Cabdi Waal) inuu gaaray Magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo.

C/waal ayaa la sheegayaa inuu ka ambabaxay Magaalada Muqdisho isaga oo la baxsaday naftiisa, kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorsheysay inay soo qabato oo ay xirto.
Wararka waxa ay sheegayaan in Cabdi Nuure Siyaad uu safar dhanka dhulka ah uu ku gaaray Magaalada Guriceel.
Dadka reer Guriceel ayaa shalay aad u hadal haayo in Magaalada uu soo gaaray Cabdi Waal, balse ilaa hada majirto cid si rasmi ah uga hadashay tagitaanka Cabdi Waal ee Magaalada Guriceel.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho, waxa ay ka wadaa howlgalka hub ka dhigista oo saameeyay siyasiyiin badan.
C/waal oo ah shaqsi ka tirsanaan jiray Hogaamiyo kooxeedyadii dalka ka jiray ayaa ah nin xeelad badan, waxaana taasi ay muujinaysa sida safar dhulka ah uu ugu tagay Guriceel, isaga oo sii maray dhul ay Shabaab maamulaan.
Gelinsoortimes

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More