Wasiirka Gaanshaadhigga “waa adagtahay in la dhiso ciidamo tayo leh”

Teaser Image Wasiirka Difaaca: Way adagtahay in la dhiso Ciidan Qaran {Dhageyso}

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya, Maxa’ed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in Dowladda uu kamidka yahay ay aad ugu adagtay inay dhisto Ciidamada Qaranka.

Wasiir Xaamud ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka uu saaran yahay Xayiraad dhanka Hubka ah, taasi oo caqabad ku ah in ay dhisaan Ciidanka xoog leh oo suga Amaanka dalka & Xuduudihiisa.

“Waxaan nahay Dowladda cunqabatayn Hubka saaran, waxaana naloo ogolaaday in Hub fudud oo kaliya aan soo iibsan karno, kaasi oo Shuruudo adag ku xiran tahay. Waxaan ku jirnaa Dagaal xoog leh, Dalka waxa uu u baahan yahay Ciidan Awood leh oo u dhamaystiranyihiin Qalabkiisa Military,” ayuu yiri Xaamud.

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya, Maxa’ed Sheekh Xasan ayaa sidoo kale xusay in UN-ka ay Gudi u xilsaareen la Hubka ay Dowladda Federaalka soo iibsanayso, iyadoo taasi jirta ayaa wali awood u la’yihiin in Hub ku filan ay helaan.

“Dowladaha Midowga Yurub waxa ay noo tababareen Ciidan badan Sanadihii lasoo dhaafay, walina way noo tababarayaan, Mareykanka ayaa sidoo kale noo balan qaaday inuu naga caawinayo dhismaha Ciidanka xoogga dalka Soomaalia, laakiin Caqabada jirta ayaa ah Ciidanka uma heli karno Hubka ay u baahan yihiin inay ku howlgalaan Sababtoo ah Xayiraadka Hubka ee na saaran,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca DFS.

Bishii Maarso ee lasoo dhaafay, Golaha Amaanka ayaa isku raacay in la kordhiyo Mudada loo fasaxyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay Hub aan ku jirin midka Culus aan soo iibsan karin, waxaana Mudada ay ku egtahay October 25, 2014.

Sanadkii 1992, UN-ka waxa ay saareen Soomaaliya Xayiraad dhanka Hubka ah, balse taasi kama aysan horjoogsan Hogaamiye Kooxeedkii dalka bur buriyay inay Hub helaan, waxaana Suuqyada dalka lagu iibiyaa Hub nooc kasta ah.

Tira koob la sameeyay 2013, ayaa lagu ogaaday in Guri kasta oo ku yaalla gudaha dalka Soomaaliya in ay yaalaan 3 Qori oo kuwa fudud ah, taasi oo micnaheedu tahay in dalka Hub badan yaallo, cidii doonto ha isticmaashee.

 

Gelinsoortimes@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More