Wasiirka Warfaafinta “Argagaxisada Al-Shabaab oo si ba’an looga guuleystay Buulo-Burte.”

dhuxulow

Mogadishu, 09 August 2014 – Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow ayaa ku ammaanay ciidanka amniga guulaha ay ka gaareen dagaalo kooxaha argagaxisada ku dhexmaray magaalada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Kooxaha argagaxisada ayaa dhowr jeer xalay soo weeraray magaalada Buulo Burte oo halkaas uu jab ba’an ku qabsaday oo kooxihii soo weeraray lagu laayey goobtaas. 6 ka mid ah meydka oo uu ku jiro horjeegihii kooxda Al-Shabaab ayaa weli yaalla goobta, tanoo keentay in kooxahan ay isku dayaan inay qaataan meydkaas, hase yeeshee waa laga itaal roonaaday marwalba oo ay weerar soo qaadeen.

Wasiirka ayaa ammaanay doorka ciidanka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya ciidanka AMISOM oo in mudo ahba hor taagnaa kooxaha argagaxisada inay dib ugu soo laabtaan Buulo Burte. Wasiirka Warfaafinta ayaa yiri “Argagaxisada Al-Shabaab oo si ba’an looga guuleystey Buulo Burte ayaa waxey ka mid tahay guulahii isdabo jooga ahaa ee looga soo horjeeday kooxaha argagaxisada ah ee ku sugan dalka. Dowladdu wey ka go’an tahay in la sii wado dagaalka kooxaha nabad-diidka ah si dalka loo gaarsiiyo xasilin, nabad iyo barwaaqo. Kooxaha argagaxisadu waxey shacabka u diidan yihiin nabad, xasilin iyo barwaaqo, iyagoo diidan dowladnimo, maamul wanaag, kala sareynta sharciga iyo horumarka dalka.”
Dowladdu waxey wadaa qorshihii nabadeynta, xasilinta, iyo sidii dalka loogu horseedi lahaa doorashooyin xor ah sanadka 2016 si shacabku ay aayahooda uga tashadaan. Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka inay taageeraan ciidanka oo uu yiri “Waxaa waajib nagu wada ah inaan shacab iyo dowlad gacmaha isqabsanno oo aan ka wada shaqeyno nabadeynta dalka. Ciidanka geesiyaasha ahna waxey naga wada mudan yihiin inaan si joogta ah u taageerno si ay ugu sahlanaato in si dhaqso leh loo soo afjaro dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ah.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More