Wasiirrada Puntland oo soo saaray qodobbo xasaasi ah Iyo Saaxo oo loo magacaaby Degmo

Garoowe (Gelinsoortimes)  Maanta oo ay taariikhdu tahay 14 bisha ogoosto 2014 waxaa xarunta Madaxtooyadda Dawladda Puntland ku shiray Golaha Wasiirada dawladda Puntland shirkaas oo Khamiis’le ah.

Iyadoo dood dheer iyo falanqeyn laga yeeshay xaaladda dalka guud ahaan , ka dib waxaa ka soo baxay Qodobada hoos ku qoran.

1-Amniga .
Waxaa warbixin guud laga dhagaystay laamaha amniga dalka oo ay ugu horrayso wasaarrada
amniga dawladda Puntland, waxayna si faah-faahsan usoo bandhigeen xaaladda guud ee amniga
Puntland iyo xaaladda nabad gelyada wadooyinka Puntland oo uu si qotta dheer uga warbixiyay
wasiirka amniga Puntland.

– Sidoo kale waxay wasaaradda amnigu usoo jeedisay golaha wasiirada in kor loo qaado ciidanka
Ammaanka waddooyinka Puntland iyo haad-bixi-yayaasha ama (Traffico) , oo ay sheegeen
inay yihiin xirfadlay gaar ah iyaga iyo cabir-qaadayaasha waddooyinka.

2- Degmada Saaxo Ee Gobolka Mudug.

Waxay golaha xukuumadda Dawladda Puntland maanta si buuxda u ansixiyeen degmada “Saaxo” oo ka mid noqotay degmooyinka gobolka mudug, isla markaana ah degmadii shanaad ee gobolka mudug , waxayna 70-km dhanka koonfur kaga beegantahay caasimadda gobolka mudug ee Gaalkacyo, laga bilaabo 14/08/2014 deegaanka Saaxo iyo dadka ku nool, waxay si buuxda uga mid yihiin “dhul iyo dadba” deegaamada ay ka taliso Dawladda Puntland.

3- Siyaasadda Deegaanka Ee Dawladda Puntland.

Waxaa maanta golaha xukuumadda dawladda la hor keenay, siyaasadda deegaanka ee Dawladda
Puntland, waxaa halkaa lagu soo bandhigay faa’iidada siyaasaddaas.

Siyaasaddaas oo ku salaysan , hannaanka isku tashiga oo ay waddo Dawladda Puntland, waana siyaasaddii koowaad oo ka hadlaysa arrimaha deegaanka ee loo sameeyo Soomaaliya intii ay jirtay guud ahaan.

4- Kastamka Isku-xira Dawladda Puntland Iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Waxay Dawladda Puntland go’aansatay kor u qaadidda suuqyada ganacsiga Puntland, taasoo
muhiim u ah suuq geynta xoolaha nool , kalluumaysiga, iyo iibsiga wax soo saarka iyo
badeecadaha ay soo dejiyaan ganacsatada Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia waxay hore uga wada hadleen kor u qaadidda ganacsiga labada dhinac iyo furidda kastam cusub oo u dhexeeya labada dawladood.

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland isagoo ka anba-qaadaya arrimahaas ganacsi , wuxuu u magacaabay guddi ka kooban .

1- Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dawladda Puntland.
2- Wasaaradda Ganacsiga Iyo Warashada Dawladda Puntland.
3. Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.
4. Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Gaadiidka Dawladda Puntland.
5. Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Iyo Xiriirka Gobolada Dawladda Puntland.
6. Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Dawladda Puntland.
7. Wasaaradda Warfaafinta, Is-gaarsiinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Dawladda Puntland.
5- War-sidaha Dawladda Puntland.

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland waxay si buuxda u ansixiyeen warside cusub oo ay

yeelanayso Dawladda Puntland, warsidahaas oo magaciisa la yiraahdo 1-da Agoosto, wuxuuna
ahaan doonaa todobaadle ku hadla afka Dawladda Puntland.

6- Xakamaynta Ka Ganacsiga Hubka.

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland waxay ka doodeen Xakamaynta Ka Ganacsiga Hubka
lagu gado suuqyada madow ee Puntland, waxaana loo xil saaray howshaas wasaaradda amniga Puntland in ay si buuxda usoo faah-faahiso uguna soo celiso golaha.

War-bixino.
Waxaa warbixin laga dhagaystay guddiga kasoo talo bixinta taraha gaadiidka dekedda Bosaso, isla markaana waxaa guddiga loo xil saaray in howshaas ay talo soo jeedintoodii ku meel mariyaan.

Waxaa sidoo kale warbixin laga dhagaystay guddiga shaqo u qeexidda wasaaradaha iyo
hay’adaha madaxa bannaan , iyagoo ka waramay howshu meesha ay u marayso iyo caqabadaha ka hor yimid..

Waxaa sidoo kale warbixino laga dhegeystay Wasaaradaha Caddaaladda, Amniga, Shaqada iyo shaqaalaha iyo Maaliyadda , warbixinahaas oo ku saabsan sida ay u socdaan howlihii ay wadeen ee ku salaysnaa (reform’ka) ama dib u habaynta ariimaha Caddaaladda, Amniga, Dhaqaalaha iyo shaqaalaha guud ee dalka .

Gelinsoortimes

puntland1

puntland2

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More