Waxgaradka Sade ee Puntland oo soo dhoweeyey magcaabista degmada Saaxo

Boossasao, August, 19 – Iyadoo asbuucaan gudihiisa ay golaha wasiiradda dawladda Puntland si rasmi ah ay u ansixiyeen in degmada Saaxo ay ka mid noqoto degmooyinka gobolka Mudug, ayaa haddana tillaabadaasi waxaa si diiran usoo dhaweeyay waxgaradka Beesha Sade ee ku nool deegaannada Puntland.

 Suldaan Ibraahim Aadan (Dishibiliib) oo la hadlay warbaahinta ayaa si diiran ugu mahadceliyay Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr Gaas, waxaana uu Suldaanku sheegay in ka mid noqoshada deegaannada Puntland degmada Saaxo inay tahay mid aad u dhiirigalinaysa guud ahaanba Beesha Sade meel-kasta oo ay joogaan.
“Degmadaan hawsheedu waxay socotay in muddo ah, markii horena waxaa magacaabay degmada Madaxwayne Gaas, waana siyaasadiisa inay Puntland noqoto mid ballaaran oo ay kusoo biiraan gobollo iyo degmooyin hor leh” Sidaasina waxaa yiri Suldaan Ibraahim Aadan (Dishibiliin)
Dhinca kale – Nabadoon Maxamed Xuseen Jaamac (Maxamed Haaraa) oo ka mid ah Nabadoonnada Sade ee aadka looga yaqaan deegaannada Puntland ayaa sheegay dhankiisa in degmada Saaxo ay Puntland ka tari doonto wax badan, gaar ahaan, dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ammaanka, midnimada, iyo wax-wadaqabsiga.
“Waa tilaabo hormar wayn u ah dhammaan bulshada Soomaalida, waxaana leeyahay bagah madaxwayne, waxaana ku sifayn-karaa in qorshahaan in lagu fakaray maskax aad u wanaagsan, waana mid aan ku boogaadinayo dhammaanba bulshada reer Puntland iyo beel-waynaha reer Sade” Sidaasina waxaa yiri Nabadoon Maxamed Haaraa oo u waramay Radio Daljir.
Hadalkaan kasoo yeeray waxgaradka Beesha Sade ee Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli maantay oo Talaado ay degmada Caabudwaaq lagu qabtay Banaanbax lagu taageerayo ka mid noqoshada Puntland ee degmada Saaxo.
Gelinsooritmes.com
gelinsoortimes@gmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More