Wiil uu Adeer u ahaa R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo lagu dilay Dalka Ciraaq

Wiil Dhalinyaro ah uu adeer u ahaa Ra’izul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Sheyrdoon (Saacid) ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay deegaano kuyaala Dalka Ciraaq kadib markii uu ku biiray Xoogaga Islaamiyiinta ah ee Daacish.

Faarax Maxamed Faarax Sheyrdoon ayaa kol hore kasoo muuqday Muuqaal ay soo bandhigeen Kooxda Daacish isaga oo sheegaya in uu dalka Canada ka doortay in uu ka dagaalamo dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Warbaahinta Dalka Canada ayaa sheegay in ay heleen xogo ku aadan in Wiilkan Asalkiisu Soomaaliga yahay uu ku dhintay dagaalo ka dhacay dalka Ciraaq , waxaana warkan dhimashada Faarax Maxamed Faarax aad looga hadal hayaa qeybo kamid ah Dalka Canada.

TV-ga CBC ee laga leeyahay dalka Canada oo soo xiganaya ilo Sirdoon ayaa baahiyay in Faarax lagu dilay dalka Ciraaq isaga oo ka bar bar dagaalamaya Kooxda Daacish ee hada dagaalada kawada qeybo kamid ah Dalka Ciraaq.

Wasiirka arimaha Dibadda Canada John Baird oo Warbaahinta wax ka weediisay dalka Canada ayaa sheegay in ay maqleen wararka la xariira geerida Faarax balse uusan dooneyn in xiligan ku fogaado ka hadalka arintaasi.

Faarax Maxamed Faarax ayaa sanadkan si dhuumashaal ah waxa uu ku tagay Dalalka Ciraaq iyo Siiriya , waxa uuna wiilkan Soomaaliga ah Muuqaal uu soo diray Hanjabaad ugu diray Dalalka Mareykanka iyo Canada uu ka tagay.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo ka tagay dalal kuyaala Qaarada Yurub iyo Amerika ayaa ku biiray xoogaga Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama Dalalka Ciraaq iyo Siiriya , waxaana qaar kamid ah dhalinyaradaasi la xaqiijiyay in lagu dilay dagaalada kasocda Dalalka Ciraaq iyo Siiriya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More