Xasan Sheekh Oo Dib Ugu Laabtay Dalka si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho

Gelinsoortimes -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kadib Safar dhoor cisho ah uu ku joogay Dalka Mareykanka.

Madaxweynaha iyo xubnaha lasocday waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno katirsan labada Golle ee Dowlada iyo saraakiil iyo dadweyne kale.

Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in shirkii hogaamiyeyaasha Afrika iyo Madaxweynaha Mareykanka ee ka dhacay magaalada Washington ay ka soo baxeen go’aano aad u muhiimsan, kuwaasi oo ay ka midyihiin in la xoojiyo xiriirka Afrika iyo Mareykanka, heshiisyo lagu horumarinayo dhanka tamarta, fursad siinta dhalinyarada Qaaradda Afrika iyo Arrimo kale.

Madaxweynuhu waxa uu xusay in isaga iyo wafdiga la socday ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxdii shirka ka qeyb gashay iyo kuwa Maraykanka, waxaana uu Madaxweynaha tilmaamay in Dowladda Mareykanka ay gacan ka geysan doonto wax ka qabashada abaaraha laga soo sheegayo qaar ka mid ah gobolada Dalka.

Ugu dambeyntii Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay in kulanka uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka uu ahaa mid looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen in Jaaliyadda ay ka qeyb qaadato dib u dhiska iyo horumarka dalka, islamarkaana ay gacan ka geystaan arrimaha dib-u-heshiisiinta.

Hoos ka daawo sawirada soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh









Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More