Xildhibaanadii Garoowe ku sugnaa oo Maanta Muqdisho ku laabtay.

Xildhibaannada dowladda faderaalka Soomaaliya ee muddooyinkii danbe ku sugna Puntland ayaa maanta ka ambaxay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ilaa shan xildhibaan oo ka mid ahaa xubnihii baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda deegaanada Puntland ee dhawaan ka qayb galay shirkii wada tashiga ahaa ee xukuumadda Puntland iyo xubnahaasi ayaa waxaa garoonak diyaaradaha Gaalkacyo ku sii sagootiyey mas’uuliyinta gobolka Mudug.

Xubnaha dib u labtay ee xildhibaannada ah waxaa hor kacayey xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo raysalwasaare ka soo noqday dawladdii Carte ee Dr. C/qaasim Salaad Xasan.

Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigay) guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa sheegay in xubnahan ay guteen waajibaadkoodii, wuxuuna Soomaalida ugu baaqay inay qaranimada ka shaqeeyaan oo ay dantooda gartaan.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa isaguna ammaanay sidii Puntland loogu soo dhaweeyay xildhibaanada baarlamaanka looguna sagootiyay.

Maxamed, ayaa tilmaamay inay Puntland u yimaadeen aqbalaadda codsigii m/weynaha Puntland C/wali Maxamed Cali ee ahaa in la isugu yimaado shir wada tashi ah.

Xildhibaanadan ayaa qayb ka ah xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan xubnaha ka soo jeeda deegaanada Puntland ee dhawaan si wada jira ay u soo saareen warmurtiyeed ku aaddan khilaafka siyaasadeed ee Puntland iyo dawladda Federaalka, iyadoo wali ay Garoowe ku sugan yihiin xubno kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More