XOG: Dowladda Ethopia oo Xalinaysa Khilaafka Puntland iyo DFS+Madaxwayne Gaas oo Deg-Deg loogu yeeray.

SIR CULUS OO LA HELAY

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa lagu wadaa maalmaha soo aadan inuu u socdaalo dalka Itoobiya sida ay xaqiijiyeen ilo diblumaasiyadeed oo ku Sugan Garoowe iyo Addis Ababa.

Wuxuuna salka ku hayaa socdaalka la filayo inuu ku tago Addis Ababa maalmaha soo aadan Madaxweyne Gaas sidii ay ugala hadli lahaayeen Madaxda Dowlada Ethiopia dhismaha maamulka labada Gobol iyo Sidii loo dabcin lahaa mowqifka ay arrintaas iska taageen madaxda xukuumada Puntland.

Dowlada Ethiopia ayaa ugu yeertey Madaxweyne Gaas sidii ay ugala hadli lahayd maamulka loo dhisayo Mudug iyo Galgaduud, Waxaana lagu wadaa 21 ilaa 23 bishan inuu tago Addis ababa, halkaas oo uu shir kula qaadanayo Madaxda ugu sarey Dowlada Itoobiya  ayuu yiri mid ka mid ah ilaha dublumaasiyadeed ee Xogtaan laga soo xigtay.

Waxa uu intaas ku darey in Dowlada Itoobiya ka mid tahay dowladaha garwadeenka ka ah sidii la iskula fahmi lahaa dhismaha maamulka labada Gobol ee lagu saxiixay 30 Augsto 2014 Magaalada Muqdisho, uuna la xiriiro qorshaha in la dhagaysto dooda ay ka qabto Puntland.

Inkastoo aan dhab loo ogayn waqtiga uu Gaas u baqoolayo Addis Ababa waxaasa jira in haatan uu Ethopia ku sugan yahay Raiisal wasaaraha somaliya kaasi oo la sheegay in uu Geenayo warqad ku aadan Mowqifkooda iyo Hanaanka ay Dowladda Somaliya umartay Dhisidda Maamulka Labada Gobol ee Mudug iyo Galgaduud.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
  • Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub

    Daawo: Shariif Xasan Oo Ku Dhawaaqay Wasiiro Cusub
  • Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland

    Daawo: Aragtida Dadweynaha Puntland Ee Mooshiinkii Lagu Kala Diray Gollaha Wasiirada Puntland
Read More