XOG: Guddiga maamul u sameynta gobollada dhexe oo la isku mari waayey iyo Magaca Maamulka oo MUGA loo Iclaamiyey

Kulan lugu doonayey in lugu dhiso guddiga dhismaha maamulka gobollada Galgaduud iyo Mudug ee dhawaan Muqdisho looga dhawaaqay ayaa isfahan waa ku dhammaaday.

Shirkan ayaa ahaa mid lugu doonayey beelaha degga labada gobol ee la doonayo maamulka in loo sameeyey in laga soo dhex xulo xubnaha ka shaqeynaya dhameystirka maamulka, balse qabka wax loo qeybiyey ayaa waxaa ka soo horjestay qar ka mid ah beelihii ka qeyb-galay.

Ergooyinka dhismaha maamulka ayaa kulanka kaga dhawaaqay sida ay beelaha u kala heleen xubnaha ka shaqeynaya dhismaha maamulka, waxaana qeyb-tooda ka saluugay qar ka mid ah beelihii ka qeyb-galay.

Guud ahaana 25 xubnood ayey sheegen ergadu inay ka soo shaqeyn doonto dhameystirka maamulka,waxaana beeluhu xubnaha u kala heleen,sida hoose,

Beesha Hawiye waxaa ay heshey,15-xubnood.

Beesha Mareexaan ee gobolka Galgaduud,waxaa ay heleen.3-xubnood.

Beesha Majeerteen ee Mudug degta waxaa ay heleen,2-xubnood.

Beesha Leelkase ee Mudug degta waxaa ay heleen,2-xubnood.

Beeshs Dir ee Mudug degta waxaa ay heelen,1-xubin.

Beesha Shiikhal ee Mudug degta waxaa ay heleen,1-xubin.

Beesha Carab Saalax ee Mudug degta waxaa ay heelen.1-xubin.

Ergadu marka ay shaacisay guddiga markiiba waxaa dhashay buuq badan oo sabab u noqday in shirka la isku fahmi waayo,ugu danbeyna lugu kala kaco.

Isfahan waa inuu shirka ku dhammaado waxaa sabab looga dhigay labo arrimod oo kala ah,in qabaa’ilada ka socday beesha Daarood ay isaga baxeen shirka iyagoona sheegay inay caddaalada ka fogtahay qabka ay ergadu u qeybisay guddiga maamulka soo dhisaya.

Waxaa ay soo jeediyen in hab siman loo dhiso maamulka oo aysan cidna sad buuxsan maadaama la is degmooyin le eg yahay,balse haddii ay taas imin wayday ay ka laaban doonan qorsha maamulka gobollada Galgaduud iyo Mudug lugu dhisayo.

Maamulka oo la Rabo in loo Bixiyo MUGA

Qodobka labaad ee la isku diiday ayaa ah sida uu noqon doono magaca maamulka gobollada dhexe ee Mudug iyo Galgaduud,waxaana dhinacyadii shirka ka soo qeyb-galay ay soo bandhigeen ilaa afar magac oo ay koox walba doonayso in maamulka uu yeesho.

Ximan iyo Xeeb oo maamusha qeyb ka mid ah dhulka maamulka loo sameynayo,waxaa ay soo jeediyen in magacooda loo bixiyey,sidoo kale maamulka Galmudug oo koonfurta Gaalkacyo ka arrimiya ayaa iyaguna soo jeediyey in Galmudug loo bixiyey maamulka.

Kooxda saddexad ayaa iyaguna soo jeediyey in maamulka loogu magacdaro Central State, halka kuwa ugu danbeenaya oo ay dowladda faderaalka la sheegay inay la socotana ay soo jeediyen in loo bixiyey magaca cusub ee ah MUGA oo looga jeedo Mudug iyo Galgaduud.

Arrintan ayaa sababtay in shirka la faarujiyo oo lugu kala dareero,balse waxaa la sheegay ergada ku howlan dhismaha maamulka inay wadaan dadaallo lugu doonayo in lugu xaliyo khilafka ka tagan xubnaha maamulka soo dhisaya iyo magaca uu yeelanayo maamulka.

Isfahan waaga ka taagan dhismaha maamulka ayaa la sheegay inay caqabad weyn nodon doonto,waxaana horay maamulka ugu soo horjestay dowladda Puntland oo ka talisa inta badan gobolka Mudug iyo Ahlu-Sunna Wal-Jameeca oo qeybo ka mid ah gobollada dhexe ku sugan.

Si kastaba waxaa ay u muuqatana in arrimo badan ay hortaagan-yihiin Mudug iyo Galgaduud inay maamul noqdan,lamana garan karo dhismaha maamulka halka ay ku biyo shuban doonto iyo qabka uu u dhammankaro khilaafadka hareeyey.

isha RR

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More