Xukumadda oo ku dhawaaqday Gudi soo baara Weerarkii Axmed Daaci{DHAGEYSO}

Muqdisho (GT)–Kulankan ay isugu yimaadeen Guddiyada joogtada ee Baarlamaanka, islamarkaana uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayna goob joog ka ahaayeen Ra’iisul wasaaraha Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirada ayaa looga hadlay arrimaha xakameynta hubka ee ay waddo Xukuumadda Soomaaliya .

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa looga arrinsaday dar dargelinta amniga iyo ilaalinta xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed, waxaana shirka su’aalo ku saabsan isbadallada amni ee dalka iyo howlgallada ay wadaan ciidamada, gaar ahaan howlgalkii ugu dambeeyay ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Wadajir lagu waydiiyay Ra’iisul wasaare Cabdiweli iyo Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg.

Wasiirka amniga Qaranka ayaa sheegay in howlgallada amni sugidda ay yihiin kuwa lagu guuleystay, isagoo xusay in tan iyo markii la dar dargeliyay ay yaraatay falalkii ay Shabaabku ku beegsanayeen Shacabka, 

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa tilmaamay in dhacdadii 15-kii bishaan ka dhacay degmada Wadajir Wasaaradda amniga Qaranka looga fadhiyo in ay soo saarto warbixin cad oo ku aadan sida ay wax u dhaceen, Xukuumadduna ay ka tacsiyeyneyso dadkii ku dhintay, ayna soo saari doonaan qoraal cad oo lagu qeexayo arrimahaasi,waxaana Xukumadda ay Magacoday Gudi soo baara.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Xukuumadda looga fadhiyo in ay ku booriso hay’adaha amniga ilaalianta xasaanadda ay leeyihiin mudanayaasha Baarlamaanka iyo tan xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed marka ay socdaan howlgalada amniga lagu xoojinayo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

World News
Wararka Qurbaha
Taariikh Iyo Dhacdooyinkii Hore
Videos-Xulka Jubba Times
  • Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay

    Daawo: R/W Kheyre Oo Ka Hadlay 2 Milyan Oo Ay Ka Heleen Midowga Yurub Iyo Meesha Lagu Bixiyay
  • Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada

    Daawo: R/W Hassan Khaire Oo Xariga Ka Jaray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Waxbarashada
  • Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo

    Daawo: Prof Abdi I Samatar Oo Ka Hadlay Sagarkiisii Xamar Iyo Kismaayo
  • Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan

    Daawo: Nolosha Dumarka Soomaaliyeed Ee Nairobi Iyo Dhibaatooyinka Ay La Kulmaan
  • Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho

    Daawo: Shirkii Jaraa’id Ee Mukhtaar Roobow Ku Qabtay Muqdisho
  • Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo

    Daawo: Senator C/raxmaan Faroole Oo Booqday Xurunta Jubbaland Ee Kismaayo
  • Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda

    Daawo: Wasiirka Arimaha Dibadda Yuusuf Garaad Oo Wareysi Bixiyey Kana Hadlay Waxqabadka Wasaarada Arimaha Dibadda
  • Daawo: Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV

    Daawo:  Madaxweyne Farmaajo oo wareysi toos ah siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV
  • Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta

    Daawo: Dadweynaha Kenya Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta
  • Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM

    Daawo: Dowladda Soomaaliya Oo Sheegray In Garoonka Aden Cade Oo Shaqeyn Doono Habeen Ilaa 10 PM
Read More